(Dhagayso) Fanaanka Da'da Yar C/fataax Yare oo ay Heestiisa Macaan Oo Lagu Magacaabo Kaltuun‏ noqotay mid xul ah
Fanaanka da'da yar ee sida weyn loo xiiseeyo C/fataax Axmed Tacabir (C/fataax Yare) ayaa soo saaray hees si weyn loo la dhacay taas oo la magac baxday Kaltuun waxaana heestani ay midhaheedu yihiin kuwa ku salaysan erayo jacayl ah oo marka aad milicsato aad is dhahayso muxuu ahaa abwaankii curiyey heestani?
(Dhagayso) Fanaanada Si Wada Loo Wada Xiiseeyo Ee Falis Cabdi Oo Ka Dhawaajisay Sida Loo Heli Kara Dawada Jacaylka
Fanaanada caanka ah ee Falis Cabdi Maxamuud oo runtii laf dhabar u ah Kooxda dhalinyarada ah ee Waayaha Cusub kana mid ah fanaaniinta sida weyn loo xiiseeyo ayaa soo saartay hees cusub oo lagu magacaabo Dar Alle taas oo ay wacdaro kaga dhigtay, isla mar ahaan taana ay ku muujisay ama ay kaga dhawaajisay sida loo heli karo Dawada Jacaylka. Heestani ayaa waxay sideedaba ka samaysan tahay erayo jacayl ama kalgacal oo marka aad milicsato qalbigaaga raad weyn u reebi doonta.